Gaari goor dhow lagu dhuftay dhismaha Baarlamanka Britain (Daawo Sawirro)

Magaalada London ayaa wararka naga soo gaaraya waxay sheegayaan in Gaari xowli ku socday lagu dhufay Derbi amni oo laga ilaaliyo dhismaha Baarlamaanka dalka Britain.

Falkan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay qof waday gaari waxaana ku dhaawacmay dhowr qof sida ay sheegeen Booliska magaalada London.

Waxaa halkaasi gaaray ciidamada amniga oo xiray goobta isla markaana isku wareejiyay Gaariga falka geystay.

Ninkii Gaariga waday ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana gebi ahaan la xiray wadooyinka ku dhow Millbank, fagaaraha Baarlamaanka iyo Victoria Tower Gardens.

Sawirro lagu daabacay warbaahinta ayaa muujinaya ninka falkan geystay oo Gaariga laga soo bixiyey isagoo ay booliska u wadaan  garbaduub.

Lama oga in falkan uu ahaa mid shil ah iyo in kale, iyadoo boolisku sheegeen iney baarayaan dhacdadan ay ku soo beegantay xili laga feejigan yahay weeraro argagaxiso oo ka dhaca dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -